salaaf1 Dabeecad fudayd ku jiro oo badanaa keenta in la sameeyo falal aan laga fiirsan. salaaf2 Neef xoolaad liidasho. salaafid eeg salaaf².
salaama Erey duco ah oo ka dhigan: “nabad gal!”; nabaaddiino. ld salaamad.
salaamaco Geed dhererkiisu dhexdhexaad yahay oo laamo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodax yaryar leh. ld saleelmac.
salaamad ld salaama.
salaamid eeg salaan².
salaan1 1. Ereyo laysu jeediyo ama gacanta oo si gaar ah laysugu taago marka laysu yimaad ama la kala tegayo, iyadoo laysu muujinayo kalgacal. 2. Bartanka wejiga fardaha, lo'da iwm. salaan2 Cid salaan u jeedin. salaasa ld talaado.
salaatulqasri Salaadda oo la soo gaabiyo waqtiyada lagu jiro safarrada dhaadheer oo aan la istaageyn. ld sallaatulqasri.
salaax1 1. Wax wanaagsan. 2. Sacabka oo si dabacsan wax loo kor mariyo. 3. Dhismo dhammaaday oo dusha laga simay. 4. S. ah: dhulbeereed aan geedo lahayn oo muddo la beerayey. salaax2 1. Wax xoo-daamin. 2. Derbi la dhisay dusha ka simid. salaaxan Wax la salaaxay ahaansho.
salaaxid eeg salaax².
salaaxnaan eeg salaaxan. ld salaax-naansho.
salaaxnaansho ld salaaxnaan.
salab Qalabka lagu dagaallamo; hub.
salabayn eeg salabee.
salabee 1. Cid hubayn. 2 Wax xaaqid. 3. Wax galayn.
salabo Nooc xaaqimada ka mid ah oo madaxiisu ulo dhuudhuuban ka samaysan yahay.
salal1 Naxdin iyo argagax hurdada lagala soo boodo. ld selel¹. salal2 Naxdin iyo argagax hurdo kala soo boodid. ld selel². salali Qof hurda selel ku ridid. ld seleli.
salalid eeg salal². ld selelid.
salalin eeg salali. ld selelin.
salalsan ld selelsan.
salalsanaan ld selelsanaan.
salalsanaansho ld selelsanaan.
salammadle Shimbir Afrika ku nool oo aad u xoog badan, luqun iyo lugo dhaadheerna leh oo dusha ka madow hoostana ka cad oo cunaha hoos-tisa ku leh kiish dheer oo uu cuntada ku kaydsado. ld shalammadle.
page : 21 of 118
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>