Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
galangalcoobid  eeg gangalcow.
galangalcow  Cayil ama dhereg la socon waayid.
galasac1  Caano dhaynimadii ka tegay welina aan suusac noqon. galasac2  Caano heer ay dhaynimadii ka tegeen, suusacna aanay noqon gaarid. galasicid  eeg galasac².
galawkooma  (daaw.) Xaalad cudureed oo cadaadiska isha dhexdeeda uu aad u sarreeyo wuxuuna keeni karaa indhabeel.
galax  1. Caano dhay ah oo la qaboojiyey. 2. ld kalax.
galayax  Wax midabkiisu cad yahay.
galaykojiin  (kiim.) Boolisakarayd ka kooban bolimeer gulukows ah oo faracyo badan leh oo laga helo nudaha xayawaanka, gaar ahaan beerka iyo unugyada muruqyada. Waa kaydka muhiimka ah ee tamarta kaarboo- haydrayd ee unugyada xayawaanka, waxaanay u egtahay rucub xubuub ah oo saxarro yar ah.
galayn  eeg galee.
galaysan  Wax gal ku jira ahaansho.
galaysnaan  eeg galaysan. ld galaysnaansho.
galaysnaansho  ld galaysnaan.
galbasho  eeg galbo.
galbeed  Dhanka qorraxdu u dhacdo; bogox, bugux.
galbeedi  Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
galbi  1. Aroos aqalgeyn. 2. Cid meel aadeysa sagootin. ld gelbi.
galbin  eeg galbi. ld galbis¹, gelbin, gelbis.
galbis1  ld galbin. galbis2  Ciyaar dumarka u gaar ah oo la cayaaro, sida buraanburka, munaasabadaha aroosyada. galbo  1. Galab carraabid. 2. Tegid aan soo noqosho lahayn sameyn. 3. Aqalgelid (guur).
galcad  Xamaarad. ld galangalcayn.
galcasho  ld galangalcayn.
galco  Xamaarasho. ld galangalcee.
galda'  Ku g.: cid si ba'an ugu goodiyid.
galdhacsad  ld galdhacsasho.
galdhacsasho  eeg galdhacso. ld galdhacsad, galdhacsi.
galdhacsi  ld galdhacsasho.
galdhacso  Nafley sida mas, abeeso iwm xuubka sare ridid.
galdi'id  eeg galda'.
page : 24 of 102
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>