Ereyga Maanta: gur
rimmayo  ld rimmay².
rin   Nafley dheddig rimmay qaadid.
rinji1   Midab; liin; asal; dheeh. ld ranji¹. rinji2   Dhoob hal midab ama ka badan ka kooban oo qalabka la adeegsado dusha laga mariyo si loogu qurxiyo ama mirirka looga ilaaliyo. ld ranji², ranjiyee, rinjiyee. rinjile   Qof wax rinjiyeynta yaqaan. ld ranjile, ranjiye, rinjiye.
rinjiyan   Wax rinji la mariyey ahaansho. ld rinjiyaysan.
rinjiyanaan  eeg rinjiyan. ld rinjiya-naansho, rinjiyaysnaan, rinjiyaysnaan-sho.
rinjiyanaansho  ld rinjiyanaan.
rinjiyayn  ld rinjiyid.
rinjiyaysan   ld rinjiyan.
rinjiyaysnaan  ld rinjiyanaan.
rinjiyaysnaansho  ld rinjiyanaan.
rinjiye  ld rinjile.
rinjiyee   ld rinji².
rinjiyid  eeg rinji². ld ranjiyayn, ranjiyid, rinjiyayn.
ris1  Caws gaaggaaban oo iduhu aad u jecel yihiin oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh. ris2  Geed laamo dhaadheer, dhuu-dhuuban oo guryaha carshaanta ah lagu dhisto. risaalad  ld risaalo.
risaalo   1. Sharci diini ah oo Alle u soo dejiyo in dadku ku dhaqmaan Ilaahna ku caabudaan. 2. Dhambaal. ld risaalad.
risaas  ld rasaas.
risaasayn  ld rasaasayn.
risaasee   ld rasaasee.
rishwaan  Cimaamad xariir ah oo waagii hore laga keeni jiray dalka Iiraan.
risiq  ld risqi.
risqi  1. Quudka dadku ku noolaan karo. 2. Saamiga qof nolosha ku leeyahay. ld risiq.
riwaayad   (riw.) Qiso suugaaneed taxan oo loo habeeyay hab masraxeed oo murti, heeso iwm laga helo oo ay dad matalaan.
rixin  Dad wada dhalasho aad isugu dhawi ka dhaxayso.
rixli  ld raxli.
riyaal  (dhaq.) Lacag waddamada Sucuudiga, Yaman, Imaaraadka iyo kuwo kale laga adeegsado.
riyaaq1  Farxad iyo xaalad wanaagsan oo lagu jiro. ld riyaaqid.
page : 29 of 40
<< < 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 > >>