afyaqaan 1. Qof cilmiga afafka aqoon u leh. 2. Qof codkar ah.
afyar Nooc kalluunka ka mid ah..
afyuub Bayd faal, oo madaxa iyo tan manjaha ka sarreysa min hal ka ah, manjaha iyo tan madaxa ka hooseysana min labo.
afyuun Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.
ag Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.
agaag Fagaag. ld agag.
agaagse ld agagse.
agaalli Nuguushi (xiddigo).
agaasiman Wax la agaasimay ahaansho.
agaasime 1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iwm. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.
agaasimid eeg agaasin². ld agaasin¹ (2).
agaasin1 1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood. agaasin2 Habeyn iyo isku dubbaridid (hawl). agaasinnaan eeg agaasiman. ld agaasinnaansho.
agaasinnaansho ld agaasinnaan.
agab1 1. Faa'idada iyo waxtarka ay cidi leedahay. 2. Ciirsi; miciin. agab2 Qalabka guri, makhaayad iwm looga adeegto. agabbar1 ld agabbarid. agabbar2 Nafley leyliyid. agabbarid eeg agabbar². ld agabbarid¹.
agabsad ld agabsasho.
agabsasho eeg agabso. ld agabsad.
agabso Cid ciirsi ka dhigasho.
agag ld agaag.
agagaar Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. ld agaggaar.
agagas Qof aan ka xishoon waxyaabo bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.
agaggaar ld agagaar.
agagse 1. Waxa laga baxsho ama laga qasho xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan. 2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar ka helay. ld agaagse.
agagsi Cid agagse siin.
agagsiyid eeg agagsi.
page : 31 of 75
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>