nohnoh2 Wax mataatax noqosho. nohnohid eeg nohnoh².
nolol 1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.
nolol-maalmeed Dhaqaale qofka baahidiisa ku filan muddo 24 saac ah.
nololey Qaybta ka mid ah oogada dhulka iyo gibilkiisa ee ay nafleydu ku noolaan karto, amase, ay nafleydu ku nooshahay.
nololley Dhammaan Gobolka sare ee dhulka, badda, iyo hawada oo ay ku noolyihiin noolayaal.
nolosha ruuxiga ah 1. Mid la xiriirta ama u dhow nolosha ruuxiga oo ku xiran noocyada ama dano qoto dheer. 2. Waxaan ahayn walxaha oo ah dabeecada ruuxiga.
noobiyad Dhismo dheer oo nal iftiima oo midabbo kala duwan leh oo xeebaha iyo jasiiradaha lagu dhiso si maraakiibta, doonyaha iwm uga qiyaas qaataan; munaarad.
nooc Qayb wax ka mid ah oo leh tilmaamo u gaar ah; cayn; namuun.
noocayn eeg noocee. ld noocyeyn, noocyeys.
noocee Wax noocyo kala duwan ka dhigid. ld noocyee.
noocyee ld noocee.
noocyeyn ld noocayn.
noocyeys ld noocayn.
nood Lacagta inteeda waraaqda ah. ld noodh.
noodh ld nood.
noofember Bisha kow iyo tobnaad ee sannadka miilaadiga ah. ld nofembar.
noog1 Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood. noog2 Hawl darteed tamar yarayn. noogan Wax noogay ahaansho.
noogid eeg noog².
noognaan eeg noogan. ld noognaansho.
noognaansho ld noognaan.
nooji Cid wax noogay ka dhigid.
noojin eeg nooji.
nool ld nooli.
nool1 Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay. nool2 ld noolaan. nool3 1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tus. “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.” noola-ohis (baay.) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
page : 31 of 35
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 >