Ereyga Maanta: biqil
yoobsanaan  eeg yoobsan. ld yoobsa-naansho.
yoobsanaansho  ld yoobsanaan.
yoobsasho  eeg yoobso.
yoobso  Dad ama xoolo meel tuurasho.
yooco  (bot.) Geed kolkuu koro sal weyn yeesha oo haamo waaweyn iyo weelal kale laga qoro.
yoofil  Timo aan la firin ee si xun ku dheeraada; yoos; baabbul; hoolif.
yookayn  eeg yokee.
yookaysan  1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.
yookaysnaan  eeg yookaysan. ld yoo-kaysnaansho.
yookaysnaansho  ld yookaysnaan.
yookee  1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.
yooko  Wax soo baxsan ama kor u likaysan.
yool  1. Degganaansho la'aan nafley ka muuqata. 2. (-lal, m.l) Sal; gun; madhaafaan. Maalintii y.ka: maalinta qiyamaaha. 3. (-lal, m.l) Goob; madal; garoonka gudahiisa meesha kubbadda cagta iwm lagu dheelo.
yoolaal  Si macno la'aan ah meel u istaagid.
yoolaalid  eeg yoolaal.
yoolgaar1  ld yoolgaarid. yoolgaar2  Ka y.: arrin iwm ka gungaarid. yoolgaarid  eeg yoolgaar². ld yoolgaar¹.
yoolyool1  1. Cayaaro dhawr ah oo ay dhallinyaradu dheelaan habeenkii ama maa-lintii waqtigana ku gaabsadaan, waxaana ka mid ah ciyaar labo goobood (yool) leh oo isaseemid (istaabasho) iyo orod ku badan. 2. ld yoolyoolid. yoolyool2  Xoolo ama dad wax xasillooni darro ka muuqato no-qosho. yoolyoolid  eeg yoolyool². ld yoolyool¹ (2).
yoome  (muus.) Jaad ka mid ah Durban-nada.
yoomid  eeg yoon². ld yulqamid.
yoon1  Hugun; bulaan; qablan; yeer. ld yulqan¹, yulul. yoon2  Dad, xoolo ama nafley kale qaylo samayn; wada hugmid; bulaamid. ld yulqan². yoonge  Dheri weyn oo hilbaha geela lagu kariyo.
yoos  Timo iska baxa oo aan la ilaalin; yoofil; baabbul.
yoose  Mingiska la tunto qaybihiisa mid ka mid ah.
yooyootamid  eeg yooyootan². ld yooyootan¹ (2).
yooyootan1  1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.
page : 1582 of 1584
<< < 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 >