Ereyga Maanta: hadoodil
yooyootan2  Wiil iyo gabar cayaar (kaftan) isaga horimaansho. yoxoob1  1. Fadhi ama taagnaan iyadoo oogada la goda hayo. 2. Lo'da iwm kolka inta roob qabto ay docda roobku ka yimid maahee docda kale wada aaddo, iyadoo is wada qooxaysa. 3. Fadhi yuurur ah. 4. ld yoxoobid. yoxoob2  Si kadaloob ah u fariisasho. yoxoobid  eeg yoxoob². ld yaxoobid, yoxoob¹ (4), yoxoobsasho.
yoxoobsasho  ld yoxoobid.
yoxoobso  ld yoxoob².
yu'ad  ld yu'asho.
yu'asho  eeg yu'o. ld yu'ad.
yu'o  1. Wax cawryid. 2. Wax habaarid.
yucub  (bot.) Geed weyn oo laf adag oo alaabo wanaagsan laga qorto, sida koorta geela.
yuf  Ari, sagaaro iwm dhogor kicidda haleesha marka cabsi la soo gudboonaato.
yulkhad  Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo.
yulqamid  ld yoomid.
yulqan1  ld yoon¹. yulqan2  ld yoon². yulul  ld yoon¹.
yumbad  ld yumbasho.
yumbasho  eeg yumbo. ld dhumbad, dhumbasho, yumbad.
yumbi  Wax biyo ku dhex mukhuurin. ld dhumbi, kumbi (2).
yumbin  eeg yumbi. ld dhumbin, kumbin.
yumbo  Biyo dhex mukhuurasho. ld dhumbo.
yur  Erey xoog loo yiraahdo kolka bahal layska celinayo, si uu u joogsado.
yurasil  (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.
yurayn  eeg yuree.
yuree  Dugaag wax ka celin.
yurqudle  Waqti gaajo aad u darani jirto oo cuntadu yar tahay.
Yurub  Yurub (Af-Ingiriis: Europe; Af-Carabi: أوروبا) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan.
yuruuruc  Koox ubad ah oo yaryar; carruur; gurbood.
yusur  1. Madow oo dhalaalaya (midab dad). 2. Geed laftiisa madow laga sameeyo miraha tusbaxa.
yutucsasho  eeg yutucso.
page : 1583 of 1584
<< < 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 >