Ereyga Maanta: qawadid
daab2  1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog². daab3  Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid. daabac1  1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabac2  1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn. daabacaad  daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid.
daabacan  1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.
daabacnaan  eeg daabacan. ld daabacnaansho.
daabacnaansho  ld daabacnaan.
daabad  Ninka tababbarka bilowga ah qaatay xagga ugaadhsiga, welise aan heer fiican gaarin.
daabax1  1. D. ah: neef xoolo ah oo qalliin ku habboon. 2. D. ah: hilib aan tamooti ahayn. 3. ld daabaxid. ld dabaax¹, dabax¹, dibaax, dubaax. daabax2  Neef xoolo ah gawricid. ld dabaax², dabax². daabaxid  ld daabax¹ (3), daabixid, dabaax¹, dabaaxid, dabxid
daabbad  1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.
daabbadqaad  Nafley weyn oo badda ku nool.
daabbul  Dad, xoolo, alaab iwm oo badan si degdeg ah u daadgurayn.
daabbulad  Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule.
daabbule  ld daabbulad.
daabbulid  eeg daabbul.
daabdulle  Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
daabece  1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.
daabicid  eeg daabac². ld daabac¹ (4), daabacaad.
daabid  eeg daab³.
daabixid  ld daabaxid.
daabnaan  eeg daaban. ld daabnaansho.
daabnaansho  ld daabnaan.
daabo  1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”.
daabul  Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid.
daabulid  eeg daabul.
daac1  Qabatoon; macaluul; diihaal. daac2  1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco².
page : 2 of 218
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>