Ereyga Maanta: maneysi
fullaacso   Wax, wax kale ka dillaacsasho.
fulul1  1. Saxro (xayawaan ama dad) oo markaas la saxrooday. 2. ld fululid. fulul2   Wax aasnaa sida xidid dibad u soo bixid. fululi   Wax aasnaa sida xidid iwm dibad u soo bixid.
fululid  eeg fulul². ld fulul¹ (2).
fululin  eeg fululi.
funaanad   1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.
funjuqi   Miro qolof ka saarid.
funjuqin  eeg funjuqi. ld funjuqis.
funjuqis  ld funjuqin.
funjuqsan   Miro wax la funjuqay ahaansho.
funjuqsanaan  eeg funjuqsan. ld funjuqsanaansho.
funjuqsanaansho  ld funjuqsanaan.
funjuqsasho  eeg funjuqso.
funjuqso   Miro qolof kala bixid.
funnay  Dibi, orgi, wan, fool xun oo aan qoodh ahayn.
funtaano  ld foontaano.
fuq1   1. Labada daan oo afka midkood. 2. Wax, wax kale oo adag ka soo go'ay. 3. ld fuqid. fuq2   Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id. fuqaraa  eeg faqiir.
fuqdo  1. Geed yar oo aan lahayn xididdo hoos jira oo ciidda iska dul saaran. 2. Wax aan sal adag lahayn oo sahal loo siibi karo. 3. Sabirdarrada uu leeyahay qof aan ka dhursugi karin duruufaha adag.
fuqid  eeg fuq². ld fuq¹ (3).
fuqsad  ld fuqsasho.
fuqsasho  eeg fuqso. ld fujisasho, fuqsad.
fuqso   Wax meel ku dheggan ka ruqsasho. ld fujiso.
fur1   Wax afka looga shiro weel, sida buraashad, dhalo,iwm. fur2   Summad xoolaha lagu asteeyo oo dhegta inteeda sare la gooyo. fur3   1. Albaab, dariishad iwm ballaqid. 2. Guntin xarig kala bixin. 3. Gaadiid rar ka dhigid. 4. Halxiraale fasirid. 5. Mashruuc, dhisme iwm ballaarintooda ku dhawaaqid. 6. Xabbado badan ridid. 7. Wax meel ku jira sii dayn. 8. Haweeney la qabo dalaaqid. furaad   Idiin si gaar ah loo qurxiyey oo carruurta lagu xambaaro.
furaadsad  ld furaadsasho.
page : 68 of 73
<< < 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >