Ereyga Maanta: qawadid
maamuusiyad  Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.
maamuusjab1  Sharafta iyo xushmadda oo la waayey ceeb dhacday darteed, maskabjab. ld naamuusjab¹. maamuusjab2  Ceeb dhacday awgeed, sharaf beelid (qof). ld naamuusjab². maamuusjebi  Cid sharafta ka qaadid. ld naamuusjebi.
maamuusjebid  eeg maamuusjab². ld naamuusjebid.
maamuusjebin  eeg maamuusjebi. ld naamuusjebin.
maan1  Awoodda garashada ee qof leeyahay. maan2  1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay. maanac1  1. Diidmo, oggolaansho la'aan. 2. ld maanicid. maanac2  Ka m.: cid wax ka maammnuucid. maanacan  Wax la mamnuucay ahaansho.
maanacnaan  eeg maanacan. ld maanacnaansho.
maanacnaansho  ld maanacnaan.
maanayeyn  eeg maanyee.
maandha  ld maandhay.
maandhaaf1  ld maandhaafid. maandhaaf2  Is m.: is-afgaranwaayid, isku khilaafid. maandhaafid  eeg maandhaaf². ld maandhaaf¹.
maandhay  Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.
maandhe  Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.
maandhow  ld maandhe.
maandoobid  eeg maandow².
maandoori  1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.
maandoorin  eeg maandoori.
maandooriye  Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.
maandoorsan  Wax miyirkii ka lumay ahaansho (qof).
maandoorsanaan  eeg maandoorsan. ld maandoorsanaansho.
maandoorsanaansho  ld maandoorsanaan.
maandow1  M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey. maandow2  Gabow awgiis wax la kala garan waayid (qof).
page : 6 of 131
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>