Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
nuuriyo  ld nuurad¹.
nuuxe  1. Socod aayar la taxtaxaasho oo fardaha iwm sameeyaan. 2. ld nuuxeyn.
nuuxee  Fardo iwm nuuxe samayn.
nuuxeyn  eeg nuuxee. ld nuuxe (2).
nuuxi  Wax meeshii uu joogay in yar ka dhaqaajin.
nuuxin  eeg nuuxi.
nuuxsad  ld nuuxsasho.
nuuxsasho  eeg nuuxso. ld nuuxsad, nuuxsi.
nuuxsi  ld nuuxsasho.
nuuxso  Wax meesha uu joogay in yar ka dhaqaaqid.
nuxnux  Hadal qarsoodi ah oo laba qof iyo wax ka badani hoos ugu sheekeystaan.
nuxnuxlee  Nuxnux samayn.
nuxnuxleyn  eeg nuxnuxlee.
nuxrur  Dheef tayo leh oo laga helo cuntada qaarkeed. ld nuxur.
nuxur1  Waxtar gaar ah oo cunnada qaarkeed laga helo; dheef; uraad. nuxur2  (taar.) Qaybta asalka u ah iyo tilmaamaha gaarka ah ee lagu yaqaan shay. nuxus  ld nuxuus¹.
nuxuus1  1. N. ah: xilli ay dadku sharaystaan. 2. N. ah: qof dhashay maalin la sharaysto. 3. N. ah: tabar yari nafley ka muuqata. ld naxuus¹, nuxus. nuxuus2  Wax daciif ah noqosho. ld naxuus². nuxuusi  Wax daciif ka dhigid. ld naxuusi.
nuxuusid  eeg nuxuus². ld naxuusid.
nuxuusin  eeg nuxuusi. ld naxuusin.
page : 35 of 35
<< < 30 31 32 33 34 35