Ereyga Maanta: qawadid
naashnaash2  ld nashnaash². naashnaashan  ld nashnaashas.
naashnaashi1  ld nashnaashi¹. naashnaashi2  ld nashnaashi². naashnaashid  ld nashnaashid.
naashnaashin  ld nashnaashin.
naashnaashis  ld nashnaashin.
naashnaashnaan  ld nashnaashnaan.
naashnaashnaansho  ld nashnaanshnaan.
naashuusho  ld naakirad.
naashuuso  ld naakirad.
naasley  (c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.
naasnuuji  Si qarsoodi ah qof wax u siin.
naasnuujin  eeg naasnuuji. ld naasnuujis.
naasnuujis  ld naasnuujin.
naasooley  ld naasley.
naastro  1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
naatariyam  (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan; waana curiyaha labaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka).
naatariyam-haydaroogsaydh  (kiim.) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
naatariyam-koloraydh  (kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
naawi  Qof, wax akhrin isaga oo aan rabid iyo fahmo u hayn.
naawil  1. Wax inay dhacayaan malayn; filid. 2. U n.:cid wax u gudbin.
naawilid  eeg naawil.
naawin  eeg naawi. ld naawis.
naawis  ld naawin.
naax1  ld naaxid. naax2  Nafley cayilid. naaxi  Nafley cayilin.
naaxsan  Wax cayilay ahaansho.
naaxsanaan  eeg naaxsan. ld naaxsanaansho.
page : 5 of 35
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>