Ereyga Maanta: hirqad
naaf2  Naafo ka dhigid; dhaawicid; curyaamin. ld naafee. naafasho  ld naafoobid.
naafayn  eeg naafee. ld naafid.
naafcadde  Xiddigga naafaha ugu horreeya; wuxuu u dhexeeyaa afagaal iyo naafmadoobe.
naafee  1. Nafley naafo ka dhigid. 2. Xag dhaqaale, xoog iwm dhaawicid.
naafeysan  Wax naafo noqday ahaansho (nafley).
naafeysnaan  eeg naafeysan. ld naafeysnaansho.
naafeysnaansho  ld naafeysnaan.
naafid  ld naafayn.
naafmadoobe  Xiddigga labaad ee naafaha; wuxuu u dhexeeyaa naafcadde iyo afqays.
naafo1  Nafley addimadeeda midkood ama qaarkood wax ka qaba oo aan wax ku qabsan karin. naafo2  Awood la'an kaamil ah ama dhimman uu qof naafo ah u yeelan karo hawlaha xagga bulshada ama xagga shaqada. naafo3  ld naafow². naafoobid  eeg naafow². ld naafasho, naafow¹.
naafow1  Noqoshada nafley ay naafo noqoto. ld naafoobid. naafow2  Naafo noqosho. ld naafo³. naafto  ld nafto.
naag  1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
naagaysad  ld naagaysasho.
naagaysasho  eeg naagayso. ld naagaysad.
naagayso  1. Naag ka dhigasho. 2. Naag xiriir galmo la yeelasho.
naagnimo  Naag ahaansho.
naajax1  1. Miro bislaaday. 2. Qof la oggolaysiiyay inuu fuliyo arrin laga lahaa. 3. Qof dhaqaalo ahaan ladan. naajax2  1. Midho ama arrin wax bislaaday noqosho. 2. Hanti badan yeelasho. 3. Arrin raalli ka noqosho. naajaxsan  1. Wax bisil ahaansho. 2. Wax dhinac kasta ka raalli ah ahaansho.
naajaxsanaan  eeg naajaxsan. ld naajaxsanaansho.
naajaxsanaansho  ld naajaxsanaan.
naajixi  Wax naajax ka dhigid.
naajixid  eeg naajax².
naajixin  eeg naajixi.
page : 2 of 35
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>