Ereyga Maanta: qawadid
naannaabid  ld naabnaabid.
naannaabin  ld naabnaabin.
naanni  Meel la dhisay oo dhoobo laga sameyey oo marka xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo, berked yar; dar.
naaqiib  Nooc kalluunka ka mid ah.
naaqis1  ld naaqus¹. naaqis2  ld naaqus². naaqish  La n.: arrin falanqeyn.
naaqishid  eeg naaqish.
naaqisi  ld naaqusi.
naaqisid  ld naaqusid.
naaqisin  ld naaqusin.
naaqus1  1. N. ah: wax aan dhaamayn. 2. N. ah: qof garashadiisu yartahay. ld naaqis¹. naaqus2  1. Wax yaraaday noqosho. 2. Qof aan dhammayn noqosho. ld naaqis². naaqusi  Wax naaqus ka dhigid. ld naaqisi.
naaqusid  eeg naaqus². ld naaqisid.
naaqusin  eeg naaqusi. ld naaqisin.
naar  Harag lo'aad ama geel oo inta hab gaar ah loo sameeyo xoolaha lagu waraabiyo. ld naadh.
naar1  1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul. naar2  1. Cid naar gelin (Eebbe). 2. Wax aad u gubid. naar-afuuf  1. Qof dadka isku dira. 2. Mulac weyn; amuur; xayroxade.
naarajiin  1. Geedka qunbaha. 2. Saliidda laga miiro qunbaha.
naarid  eeg naar³.
naarsime  Naduur.
naarsimo  Magaca guud ee qalabka birtumuhu adeegsado oo dhan leeyihiin.
naas  1. Labada xubnood ee caanuhu galaan ee ku yaal laabta dumarka midkood. 2. Labada cad ee ka soo taagan laabta ragga midkood. 3. Cad dhuuban oo xayawaanka caanaha leh candhadooda ka soo laalaada. 4. Dhuun ka soo taagan weelasha wax lagu shubto qaarkood; Ib; gulgulo.
naasacelis  Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
naasaley  Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.
naashiddo  ld naakirad.
naashiso  ld naakirad.
naashnaash1  ld nashnaash¹.
page : 4 of 35
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>