bisad
(m.dh) (-do, m.l)

Nafley yar oo dhogor jilicsan oo hebed ah oo dadka la dhaqanta: waxay ku nooshahay jiir, shimbiro, hilib kale, caano. mukulaal; basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bisad

yaanyuur [m.dh] (-ro, m.l)
basho; bisad; dinnad; dummad; mukulaal; mukulaal, dummad

basho [m.dh] (-ooyin, m.l)
mukulaal; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;

dummad [m.dh] (-do, m.l)
1. Yaanyuur; bisad. 2. Dakhalka doonyaha meesha ugu sarreysa.

guduudane [m.l]
Bahal bisadda u eg kase weyn oo midab guduudan leh oo ariga cuna.

gurijoog [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Haweeney aqalkeeda ka shaqaysa oo aan shaqo kale lahayn. 2. Xayawaanka dadka la nool, sida bisadda eeyga iwm.

labbisad [m.l]
ld labbisasho.

lebbisad [m.l]
ld labbisasho.

mukulaal [m.dh] (-lo, m.l)
basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;

bis [m.dh]
ld bes.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg