duule
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

Qof dhibaato badan, dhallin yar.

duule
(m.l) (-layaal, m.l/dh)

Col; qof duulaya.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duule

abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.

ammaanduule [m.l]
ld abbaanduule.

maasha [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Xiriiriye tilmaamaya waxa ku dhashay sabab. Tus. “Maasha xaashiyuhu duule ee dabayl baa jiidday”. ld maansha.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg