Ereyga Maanta: hirqad
aar2  1. (f.g) Alaab (aqal iwm) meel sare saarid. 2. (f.mg) Ka aa.: cid dakano gashay ka gudid. 3. (f.mg) U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishey qof ka mid ah dilid. aaraa'  eeg ra'yi.
aarad  Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.
aaradee  Maro ama daah aarad u yeelid.
aaradeyn  eeg aaradee.
aaradeysan  Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iwm).
aaradeysnaan  eeg aaradeysan. ld aaradeysnaansho.
aaradeysnaansho  ld aaradeysnaan.
aaran  1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.
aarbax1  ld aarbixid. aarbax2  1. Ka aa.: qof eed loo haystay iska daaficid. 2. Ka aa.: qof ka aargudasho. aarbi-aar  Qaab loo ciyaaro turubka.
aarbixid  eeg aarbax². ld aarbax¹.
aardoon  Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. ld aardoonad, aardoonasho, aarsashaddoon.
aardoonad  ld aardoonasho.
aardoonasho  eeg aardoono. ld aardoonad.
aardoono  Qof in uu aano soo guto meel u aadid.
aargalaan  Weel siin ah, dheg leh oo wax lagu cabbo.
aargoonle  Nooc dawacada ka mid ah, midab bey madow ah leh oo aad ariga u laysa.
aargoosad  ld aargoosasho.
aargoosasho  eeg aargooso. ld aargoosad, aargoosi.
aargoosi  ld aargoosasho.
aargooso  Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeelo u geystay ka gudasho.
aargud  1. Ka aa.: cid dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid. ld aargudo.
aargudasho  eeg aargudo. ld aargudid.
aargudid  eeg aargud. ld aargudasho, aargudis.
aargudis  ld aargudid.
aargudo  ld aargud.
aarid  eeg aar². ld aaris.
aaris  ld aarid.
page : 6 of 1584
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>