Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
abaaldaran  Wax aan abaal lahayn ahaansho (qof).
abaaldarnaan  eeg abaaldaran. ld abaaldarnaansho.
abaaldarnaansho  ld abaaldarnaan.
abaaldarro  Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. ld abaaldarnaan.
abaaldhac1  Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. ld abaaldhicid. abaaldhac2  Ka a.: samo la isu galay wixii uu mudnaa ku gudid la'aan. abaaldhicid  eeg abaaldhac². ld abaaldhac¹.
abaaldooris  Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.
abaalgud1  1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. ld abaalgudid. abaalgud2  U a.: abaal la isu galay mid la mid ah ku beddelid. abaalgudid  eeg abaalgud². ld abaalgud¹.
abaalhay  U a.: cid, cid kale oo samo u gashay u aqoonsanaan.
abaalhayn  eeg abaalhay.
abaali  A. ah: haan duug ah oo biyaha sii daysa; boos.
abaalmari  Qof u abaalgudid.
abaalmarin  eeg abaalmari. ld abaalmaris.
abaalmaris  ld abaalmarin.
abaar  Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
abaarayn  eeg abaaree. ld abaaraysiin.
abaaraysad  ld abaaraysasho.
abaaraysan  Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
abaaraysasho  eeg abaarayso. ld abaaraysad, abaaraysi.
abaaraysi  ld abaaraysasho.
abaaraysii  ld abaaree.
abaaraysiin  ld abaarayn.
abaaraysnaan  eeg abaaraysan. ld abaaraysnaansho.
abaaraysnaansho  ld abaaraysnaan.
abaarayso  Wax abaari ku dhacday noqosho (meel). ld abaarso.
abaaree  Wax abaar ah ka dhigid (meel). ld abaaraysii.
abaareysad  ld abaaraysasho.
page : 10 of 1584
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>