Ereyga Maanta: sargadayn
abaarikeentay  Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.
abaaroobid  eeg abaarow.
abaarow  Wax abaari ku dhacday noqosho (meel).
abaarsad  ld abaarsasho.
abaarsasho  ld abaarsad, abaaraysasho.
abaarso  ld abaarayso.
abaaseere  Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.
abab1  Ubad xoolaad oo daaq barad ah. ld abaab¹, ababid. abab2  1. Ubad xoolaad daaq barasho. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm ku barbaarin. ld abaab². ababi  1. Ubad xoolaad daaq barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm barid. ld abaabi.
ababid  eeg abab². ld abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
ababin  eeg ababi. ld abaabin.
ababis  ld ababid.
abad  Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.
abadan  Eray lagu muujiyo diidmo adag. ld abad.
abaddar  1. Qof aan waxba laga dhaadhicin karin; macangag. 2. Geesi aan caqli lahayn.
abaddarnimo  Abaddar ahaansho.
abakaar  Haweeney waxyaabo yaryar ka ganacsata.
abakaarnimo  Abakaar ahaansho.
abaqaal1  Tallaalidda laan geed laga soo gooyay lagu tallaalo geed kale. ld abqaalid. abaqaal2  Laan geed laga soo gooyey geed ku tallaalid. abaqaalid  eeg abaqaal². ld abqaal¹.
abasax1  ld abasaxi. abasax2  (Hal) wax abaahin u baahan noqosho. abasaxan  ld abasaxsan.
abasaxi  1. Baahida ay hal ama qaalin geel ahi u qabto abaahi. 2. A. ah: hal ama qaalin geel oo u baahan abaahi.
abasaxnaan  ld abasaxsanaan.
abasaxnaansho  ld abasaxsanaan.
abasaxsan  Wax abaahin u baahan ah ahaansho (hal).
abasaxsanaan  eeg abasaxsan. ld abasaxnaan, abasaxnaansho, abasaxsanaansho.
page : 11 of 1584
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>