Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
yaxaas  (c.nafl.) Bahal webiga ku jira oo abeeso-lugaley weynaatay u eg; haraggiisa waxaa kasoo taagtaagan filgimmo geeso u eg oo waa adayg toxob leh; wuxuu leeyahay dabo dheer iyo madax isaguna dheer oo saddexgees qaabki leh; daaman adag iyo af weyn oo ilko ku sarcanyihiin; dadka iyo duunyadaba waa uu cunaa.
yaxdho  Hilib.
yaxoob  ld yoxoob².
yaxoobid  ld yoxoobid.
yaxuus  Nin aad u gaboobay.
yaxuusoobid  eeg yaxuusow.
yaxuusow  Yaxuus noqosho (nin).
yaxyax1  1. Xishood; sheex; xil ka bax. 2. ld yaxyaxid. yaxyax2  Qof ceeb weyn dareemid. yaxyaxi  Ka y.: khajil iyo xishood cid gelin.
yaxyaxid  eeg yaxyax². ld yaxyax¹ (2).
yaxyaxin  eeg yaxyaxi.
yeber  Y. ah: ilmo isku hooyo ah kan ugu yar; gurudambays.
yed1  ld yad¹. yed2  ld yad² (3). yedid  eeg yed².
yeeg  Turub hal dhibic leh oo ka sarreya baashiga. ld yake (2), yeeke.
yeeg-bibanji  ld yeeg-bibiish.
yeeg-bibiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kale-na shan dhibcood. ld banji-biyeeg, biish-biyeeg, yeeg-bibanji.
yeeg-bicaddaan  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.
yeeg-bidooh  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena laba dhibcood ku leh. ld dooh-biyeeg.
yeeg-bijoohaar  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.
yeeg-bisaliim  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena saddex dhibcood ku leh. ld saliim-biyeeg.
yeeg-bishiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg
yeegtiis  Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.
yeeke  ld yeeg.
yeel1  Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iwm. yeel2  Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iwm. yeel3  1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag. yeel4  Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.
page : 1579 of 1584
<< < 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 >