Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
yeey  ld yey.
yerid  1. ld yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
yeris  1. Ugaarta inteeda yaryar. 2. Caws-ka jaad ka mid ah.
yersin  Ugaarsadaha soo qumiya dagiiranka.
yey  (c.nafl.) Bahal dugaagga ka mid ah oo eeyga u eg, arigana aad u laysa; uubato; uu'leey. ld yeey.
yib1  Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo. yib2  Yib cayaarid. yibal  Darxumo ka muuqata xoolo caato ah marka ay biyo cabbaan ee ay baad waayaan.
yibid  eeg yib².
yibir1  Qof ka tirsan beesha loo yaqaano Yibro. yibir2  Haweenay aad u hunguri xun. yibirnimo  Yibir ahaansho.
yiblasho  eeg yiblo.
yiblo  Wax yibal hayo noqosho.
yicib  Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. ld jicib.
yicibciye  Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.
yiciis  Dad tabartoodu liidato saboolna ah.
yicis  1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
yicisnimo  Wax yicis ah ahaansho (carruur).
yididdiilo  Rajo; himilo. ld hididdiilo.
yir  Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.
yirid  (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. ld yerid (1).
yix  Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.
yohoomid  eeg yohoon².
yohoon1  Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan. yohoon2  1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid. yohoonsan  Wax yohoomay ahaansho.
yohoonsanaan  eeg yohoonsan. ld yohonsanaansho.
yohoonsanaansho  ld yohoonsanaan.
yoobsan  Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.
page : 1581 of 1584
<< < 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 >