Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
awdan2  Wax buuxsamay ama daboolmay ahaansho. awday  ld aaway.
awdid  eeg awd². ld awd¹.
awdmid1  ld awdan¹. awdmid2  (daaw.) Xubin daloosha ee jirka ka mid ah oo wada xiranta ama qaarkeed awdmo; sida xiidmaha, halbowlayaasha iwm. awdmid halbowle wadne  (daaw.) Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.
awdnaan  eeg awdan². ld awdnaansho.
awdnaansho  ld awdnaan.
aweyti1  Habaar, cid Eebbe looga baryo in uu dhaqso u dhinto. aweyti2  Cid inay dhaqso u dhimato Eebbe uga baryid. aweytiyid  eeg aweyti.
awlaad  1. eeg weled. 2. Carruur.
awlaadsasho  eeg awlaadso. ld awlaadsi.
awlaadsi  ld awlaadsasho.
awlaadso  Duco Eebbe iyo werdi samayn.
awlal  1. Feeraha iyo hilibka saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagbta shinnida.
awlax  1. Mindi aad u weyn o geela lagu qalo. 2. Jaad warmaha ka mid ah.
awlee  Geel badan si wadajir ah u ololid.
awleyn  eeg awlee.
awliyo  eeg weli¹.
awno  Aseendo; beer weyn.
awo1  ld aw. awo2  Qof si marakudhegnimo u baryid. awood1  1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa. awood2  (fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken). awood3  (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho. awood-danabeed  (fiis.) Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
awooddaran  Wax awood yar ahaansho.
awooddarnaan  eeg awooddaran. ld awooddarnaansho, awooddarri, awooddarro.
awooddarnaansho  ld awooddarnaan.
page : 70 of 75
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 >