Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
axadeysi  Durraamo yar oo ay haweenku sameeyaan.
axadeyso  Haween axadeysi sameyn.
axadh1  1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado. axadh2  Arrin si aad ah u lafagurid. axadhid  eeg axadh².
axal1  Xilliyada dayrta mid ka ah oo u dhexeysa ximirka iyo xayska. axal2  Hoore adag oo is-haysta oo sida badan ka yimaadda mindhicirrada marka ay jirradaan ama xubnaha taranka waqtiga dhalmada. axan1  Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay. axan2  Xoolo la qalo ama cunto kale cid markaa dhimatay raacin. axar  1. Timir iwm lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.
axaran  Arrin iwm wax la axaray ahaansho. ld axran.
axarid  eeg axar.
axarnaan  eeg axaran. ld axarnaansho, axranaan, axranaansho.
axarnaansho  ld axarnaan.
axdi  Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld cahdi.
axgab1  1. A. ah: tabarbeelidda nafley tabar beeshay; jirro, gabow, daal iwm awgeed. 2. ld axgabid. axgab2  Nafley jirro, gabow, daal iwm la tabarbeelid. axgabid  eeg axgab². ld axgab¹ (2).
axkaan  1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
axmaq  Qof aan caqli badan lahayn; nacas, dabbaal.
axmaqnimo  Axmaq ahaansho.
axmid  eeg axan².
axran  ld axaran.
axranaan  ld axaranaan.
axranaansho  ld axarnaan.
axrid  eeg axar.
axsaab  eeg xisbi.
axsaan  Samo cidi u gasho cid kale.
axsantu  ld asxantu.
axwaal  eeg xaal¹.
page : 72 of 75
<< < 67 68 69 70 71 72 73 74 75 >