Ereyga Maanta: liifmid
ay1  1. Meel geedo badan leh; hawd. 2. Meel cidla ah oo aan la degganayn. ay2  (bot.) Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal. ay3  (aayay, ayday) U a.: wax hore loo sameeyey waqti dambe ka faa'ideysasho. ay4  Magacuyaal yeele oo matala “iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”, “Wiilashu guri ay degganaayeen ayay aadeen”. ayaa  ld baa.
ayaamo  1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².
ayaan1  Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo. ayaan2  Dharaar iyo habeenkeed; maalin. ayaandaran  Qof aan nasiib wanaagsan lahayn ahaansho.
ayaandarnaan  eeg ayaandaran. ld ayaandarnaansho, ayaandarri, ayaandarro.
ayaandarnaansho  ld ayaandarnaan.
ayaandarri  ld ayaandarnaan.
ayaandarro  ld ayaandarnaan.
ayaanla'aan  Xaaladda uu ku suganyahay qof aan naasiib wanaagsan lahayn. ld ayaanla'aansho, ayaanli'i.
ayaanlaawe  Nin aan nasiib wacan lahayn.
ayaanle  Nin nasiib wacan leh.
ayaanli'i  ld ayaanla'aan.
ayaansasho  eeg ayaanso.
ayaanso  Qof, ayaan yeelasho.
ayaantirin  Maalin wakhti gaar ah lagu magacaabay. Tus. “Maalin gaar ah”, “Sannad gaar ah”.
ayaanwanaag  Nasiib wanaag.
ayaanxumaan  eeg ayaanxun. ld ayaanxumaansho, ayaanxumi, ayaanxumo.
ayaanxumaansho  ld ayaanxumaan.
ayaanxumi  ld ayaanxumaan.
ayaanxumo  ld ayaanxumaan.
ayaanxun  Qof aan nasiib wacan lahayn ahaansho.
ayax  (c.nafl.) Cayayaan yaryar, oo baalal iyo lix lugood oo labada dambe ka dhaadheeryihiin kana xoog badanyihiin kuwa kale leh, koox koox aad u badan isu raaca oo dhirta iyo dalaggaba waxyeeleeya.
aydin  Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah (lala hadlayaasha ama wax loo qorayaasha). ld aa², aad.
aydiyaalism  (fals.) Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.
aydiyolooji  (fals.) Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. ld aydiyooloojiyo.
page : 73 of 75
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 >