Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
aydiyooloojiyo  ld aydiyolooji.
ayeeyo  1. Hooyadaa hooyadeed ama aabbaha hooyadiis. 2. u.j: ayeeyooy! 3. U.j: wiilka aan ayeeyada u ahayow!; gabadha aan ayeeyada u ahayey.
ayeeyolugadheer  ld ayeeyolugdheer.
ayeeyolugdheer  (c.nafl.) Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld ayeeyolugadheer.
aygarad  Qof caqli badan oo aan la dagi karin.
aygaradnimo  Aygarad ahaansho (qof).
ayid  Arrin, figrad iyo go'aan taageerid.
ayidid  eeg ayid.
ayidsan  Qof, wax ayiday ahaansho.
ayidsanaan  eeg ayidsan. ld ayidsanaansho.
ayidsanaansho  ld ayidsanaan.
ayiman  Badar karsamaya wax la budo lagu daray.
ayimid  eeg ayin². ld ayin¹.
ayimnaan  eeg ayiman. ld ayimnaansho.
ayimnaansho  ld ayimnaan.
ayin1  Ku daridda badar karsamayo budada lagu daro. ld ayimid. ayin2  Badar karsamaya budo ku darid. aynab1  Laynta dad badan hal mar la wada laayo. aynab2  Dad badan hal mar wada layn. aynabid  eeg aynab².
aynfaad1  1. Dhibaato aad u ballaaran. 2. ld aynfaadid. aynfaad2  Dhibaato aad u ballaaran la kulmid. aynfaadid  eeg aynfaad². ld aynfaad¹ (2).
ayni  1. Tayada ay wax leeyihiin. 2. Da'.
aynnu  Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee wadarta ah oo ku jira kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayaa; innagu. Tus. “Guriga aynnu aadno”.
aynshaad1  Codka lagu qaado qasaa'idka diiniga ah. aynshaad2  Qasaa'id diini ah ku luuqeyn. aynshaadid  eeg aynshaad².
ayo  1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?.
ayodhiin  (daaw.) Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah, inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.
page : 74 of 75
<< < 69 70 71 72 73 74 75 >