Ereyga Maanta: maneysi
baalentoloji  (taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
baalfallaar  Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.
baalgorayo  Marka meseggada ama gallaydu sabuul yeelan rabto.
baalgub  Calaamad uu ku reebo dabku neef geel ah oo baal laga daaweeyey.
baali  Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.
baali1  Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iwm). baali2  Koofiyad, gammuun iwm. baal u yeelid. baalid1  B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay. baalid2  Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid. baalidid  eeg baalid².
baalin  eeg baali². ld baalis.
baalis  ld baalin.
baaliyoobid  eeg baaliyow.
baaliyow  1. Baali noqosho (naag). 2. Wax duug ah noqosho.
baallacad  Nooc warmaha yaryar ka mid ah oo aan caarad dhuuban lahayn, lehna af ballaaran iyo tiir weyn.
baallayn  eeg baallee.
baallee  Ka b.: wax ama meel doc ka jarid.
baalley  Ciyaar dhaqameed jaan iyo jiibinba leh oo dadka isku maaweeliyo (degaanka Ceergaabo).
baalleybarro  Cayayaan afar baal oo waaweyn, xardhan oo qurxoon leh; balanbaalis.
baalquraanle  Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.
baaltaag1  ld baaltaagid. baaltaag2  Gorayo, cantalaay iwm baal fidin. baaltaagid  eeg baaltaag². ld baaltaag¹.
baaluq1  B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey. baaluq2  Da'dii qaangaarnimada gaarid. baaluqad  B. ah: gabar qaangaar ah.
baaluqid  eeg baaluq².
baaluqnimo  Baaluq ahaansho.
baaluqo  Qof da'dii baaluqnimada gaarey.
baalxaaf  Nooc ka mid ah warmaha waaweyn oo caarad dhuuban oo dheer leh.
page : 6 of 108
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>