Ereyga Maanta: shirbin
baashaalin  eeg baashaali.
baashaar  Kuul baro yaryar leh oo haweenku ku xarragoodaan.
baashad  eeg baasho.
baashee  Dhunko.
baasheyn  eeg baashee.
baashi  Waraaqaha turubka midka yeekaha ku xiga oo boqorka ku sawiranyahay. ld baash.
baashir  Si wanaagsan oo farxad iyo reyn-reyn leh qof u qaabilid.
baashirid  eeg baashir.
baasho1  Dhunkashada dhabanka ama dibnaha la iska shumiyo. baasho2  Baal goray iwm iyadoo libin lagu muujinayo madaxsurasho. 2. Gammuun, baal ku dhegsasho. baasid  eeg baas².
baasiin  ld baansiin.
baasiino  ld baasiin.
baasilas  (baay.) Bakteeriya kasta oo qaab uleed leh ama u dhuuban sida usha.
baaskiil  Gaadiid laba lugoodle ah, aan matoor lahayn oo lagu socodsiiyo lugaha. ld Bushkuleeti, bushkaleeti.
baasto  Cunto ka samaysan bur la qallajijey oo qaabab kala duwan leh oo la cuno.
baastoolad  ld bastoolad.
baatad  Marka labada dhan ee iska soo horjeeda ay dhibco isla 'eg qabtaan (cayaar turub); doroo. ld baaddad.
baati  Dhar cudbi ah, adag oo midabo leh.
baatir  Qaalin geel ah oo aan rimin waqtigii ay rimi lahayd.
baatooloji  (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
baatul1  ld baatulid. baatul2  Hanti si tashiil la'aan ah u isticmaalid. Tus. “Wiilkii dukaankii buu baatulay”. baatulan1  Wax la baatulay noqosho (hanti). baatulan2  Wax la baatulay ahaansho (hanti). baatulid  eeg baatul². ld baatul¹.
baatulmid  eeg baatulan¹.
baatulnaan  eeg baatulan². ld baatulnaansho.
baatulnaansho  ld baatulnaan.
baawasiir  ld bawaasiir.
page : 11 of 108
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>