Ereyga Maanta: liifmid
bushkaleeti  ld Bushkuleeti.
bushkuleeti  Gaadiid laba lugoodle ah oo lugta lagu socdsiiyo; baaskiil. ld bushkaleeti.
bushle  Quwaax meseggo oo aan lahayn dhacaan badan oo laga mashiiqsado.
buskeeti  ld busteeki.
buskud  Kibis yaryar, qaabab leh, xalleefsan, fidsan, adag oo macaan sida doolshaha.
bustaan  Beer yar oo geed mirood ka baxa.
buste  Go'weyn oo dhogor jilicsan ka samaysan oo la huwado, sariirtana la saarto; kubbeerto.
busteeki  Hilib jiir ah, xalxalleefsan oo la shiilo ama la solo. ld buskeeti.
busur  Miro timireed oo heerkii bislaanshada gelaya.
butaac  1. Dareere meel uu ku jiray hal mar si xoog leh uga soo daadasho. 2. biyo fataahid.
butaaci  1. Dareere meel ay ku jireen ka daadin. 2. Biyo fataahin.
butaacid  eeg butaac.
butaacin  eeg butaaci.
butaaco  B. ah: hoore meel uu ku jirey si xoog leh uga soo burqaday.
buto  Geed-nagaar faalala leh laamo jiljilicsan, caleemo yar oo macaan oo la cuno.
butuc  1. B. ah: qof buuran. ld Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
butucsan  Wax butuc ah ahaansho (qof). ld batacsan.
butucsanaan  eeg butucsan. ld batacsanaan, batacsanaansho, butucsan-aansho.
butucsanaansho  ld butucsanaan.
buturi  Is b.: qof caro iyo isla weynaan awgeed gaar u istaagid.
buturin  eeg buturi.
buub1  1. B. ah: rati marka la raro dida. 2. ld buubid. buub2  1. Rati raran didid. 2. Dayaarad, shimbir iwm duulid. buubaal1  Rati la rarto oo rar diid ah; layli aan weli rar baran. buubaal2  Awr rar la cararid. buubaalid  eeg buubaal².
buubi  1. Nafley ceyrin. 2. Wax duulin. 3. Ku b.: wax, wax kale ku kor firdhin.
buubid  eeg buub². ld buub¹ (2)..
buubin  eeg buubi. ld buubis.
buubis  ld buubin.
page : 104 of 108
<< < 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 >