Ereyga Maanta: qurdan
buubsad  ld buubsasho.
buubsasho  eeg buubso. ld buubsad.
buubso  1. Wax cayrasasho. 2. Wax hor u durugsasho.
buud  1. Doon meel dhexaad ah oo qaadda afar boqol ilaa kun kintaal. 2. Kabaha waaweyn ee ay askartu qaadato.
buudaan  ld boodaan.
buudhi1  Qaalin geel ah isbeddel abaahidoon ah oo xubinteeda taranka ka muuqata. buudhi2  Qaalin geel sabiisheeda barar abaahidoon ka muuqasho. buudhin  eeg buudhi. ld buudhis.
buudhis  ld buudhin.
buudhqab  Hal awr abaahiyay oo loo malaynayo inay rintay, abaahiqab.
buuf1  Xuddun. buuf2  1. Duufsi. 2. B. ku hay: ladnaan. Tus. “Cali buuftuu ku hayaa”. buufbuuf  Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
buufi  1. Wax neef ku shubid. 2. Neef maaddo ur leh ama sun ka sameysan meel ku siiddeyn. 3. Hoore midab leh oo tuubbo si xoog leh uga baxayo meel ku rinjiyid.
buufimo  Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.
buufin1  Xuub yar cinjir ka samaysan, qaabab kala duwan leh, marka hawo laga buuxiyo kala baxa oo carruurtu ku ciyaarto. buufin2  eeg buufi. ld buufis. buufis  ld buufin².
Buufis1  qof u qafiifa in uu dhoofo darteed. Tus. "Cali waxaa hayo Buufis" buufiye  (fiis.) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.
buuflayn  eeg buuflee.
buuflee  1. Xoolo baad ka dhergid. 2. Cid caro ama kibir muujin.
buug  (buug, m.dh/-aag/-ag, m.l) 1. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran, garbad leh oo suugaan amaa saynis ku qoranyahay. 2. Tiro warqado ah, dhan isaga xiran garbad leh oo aan wax ku qorneyn.
buuhood  1. Ciid jilicsan oo boor badan. 2. Dhir wax lagu daweeyo.
buul  1. Aqal yar oo aan hab wanaagsan u dhisnayn. 2. Aqal shimbir. 3. Dhullax, kasoobax.
buulallo  1. (u) Godadka quraanyada. 2. (daaw.) Finan yaryar, badan oo oogada dadka ka soo baxa.
buulalloobid  eeg buulallow.
buulallow  Dub biyo gelid xanuun awgiis.
buulcaws  Hooy yar oo ka samaysan caws iyo qoryo la isa saaray.
buulley1  Qayb ka mid ah heerka koritaanka cayayaanka qaarkood.
page : 105 of 108
<< < 100 101 102 103 104 105 106 107 108 >