Ereyga Maanta: sibirayn
buulley2  (c.nafl.) Heerka saddexaad ee koritaanka meerta nololeedka qaar ka mid ah cayayaanka. Heerka b.da quudashada iyo socodkuba way joogsadaan, waxaana dhaca isbeddelka uu caydigu isu beddelayo qaangaadh. buulo  Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
buumbuuni  War dhacdo iwm intooda runta ah been badan ku darid.
buumbuunin  eeg buumbuuni. ld buumbuunnis.
buumbuunis  ld buumbuunin.
buun  Bocool weyn ama dhuun dheer oo kolkii la afuufo dhawaaq dheer ka soo baxo.
buundo  1. Dhisme laga dul dhiso webi iwm oo lagaga gudbo. 2. Dhibic, darajo. ld buunto.
buuni  B. ah: qof aad u aqoon badan; mufti.
buunshabbaxsan  Wax buunshe laga saaray ahaansho (badar).
buunshabbaxsanaan  eeg buunshabbaxsan. ld buunshabbax-sanaansho.
buunshabbaxsanaansho  ld buunshabbaxsanaan.
buunshabbixi  Badar si buunshaha looga saaro tumid.
buunshabbixin  eeg buunshabbixi. ld buunshabbixis.
buunshabbixis  ld buunshabbixin.
buunshe  Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.
buunsho  ld buunshe.
buunto  ld buundo.
buuq1  1. Hadal ama cod dheer oo nafley badan isku mar sameyso. 2. Dad ama xoola badan oo meel isugu yimid. buuq2  (fiis.) Jabaq kasta oo dad dhiba; waxa lagu qiyaasaa iskeelka desibal oo u dhexeeya heerka maqalka ugu hooseeya (0dB) iyo heerka dhawaaqa maqalku xanuuniyo (130dB). Dhawaqyo maqalka qasa oo dhexgala liid rakaad ee marin sigaarsiin. buuq3  1. Nafley badan, hadal ama cod badan isku mar sameyn. 2. Dad ama xoolo badan meel isugu imaansho. buuqid  eeg buuq³.
buur1  1. Wax sida dhagax ciid iwm oo inta la is-dul-saaray dhulka ka yare kacsan. 2. Cuf dhul ah oo in door ah ka sarreeyo dhulalka ku wareegsan kana joog dheer gunbur. buur2  1. Wax sida ciid, dhagxaan iwm meel tuurid. 2. Afka b.: caro darteed la aamusid (qof). buur barafeed  Cuf baraf dhuleed oo ka sammaysmay dhammaadka baraf weyne ama baraf gogol. Buur baraftu waxay dul sabbaysaa badda.
buur-sameyn  (jool.) Buur dhisid: isbeddel ku dhaca heerka sinnaanta qolofta dhullka, isbeddelkaas oo dhadhaabo kor loogu soo tuuro si ay u sameeyaan silsillado buuro laalaab ama dhul go'.
buuran  Wax cayilay ahaansho.
buurasho  eeg buuro.
buurbuur  1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.
buure  Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iwm marka ay foolanayaan.
buuri1  1. Geedo jaadad badan ah oo ubax guduud iyo caddaan ah iyo caleemo waaweyn, oo waran qaabki leh, bixiya; saakarro; tabaako. 2. Caleenta geedahaas oo siyaalo badan loogu isticmaalo (afka oo laga qiiqiyo ama laga cuno, sankoo laga cuno). 3. Waxyaalo kaloo caleemahaas laga sameeyo: sigaar, shurug, saliid, daawo, udgoon iwm. 4. Buuriga la qiiqiyo.
page : 106 of 108
<< < 101 102 103 104 105 106 107 108 >