Ereyga Maanta: dabakannaaxid
caaneeyo  Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo.
caaney  ld caaneeyo.
caaneysasho  (c.nafl.) Caano soo deynta qanjirrada naasaha oo badanaa bilowda uurka dhammaadkiisa.
caannimo  Caan ahaansho.
caano  1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
caanoddeys  Ubadka xoolaha oo caano-nuugiddii ka go'ay.
caanolul  Qori kuusan oo marka caanaha la lulayo haanta loo dhigo..
caanomaallo-isle'eg  (c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.
caanonnuug  Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. ld caanannuug.
caanonnuugnimo  Caanannuug ahaan- sho. ld caanannuugnimo.
caanoole  Nin caanaha ka ganacsada.
caanooley  1. ld caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. ld canaaley. Naasley.
caanooyo  ld caaneeyo.
caanoqaadad  Caano-yaraynta xoolo irmaani caana yareeyaan.
caanteyn  Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.
caanyee  1. Harag caano ku jilcin. 2. Ma daroorsha ka dhigid, agloolid. 3. Waxyaabo aan islahayn isku qasid (arrin). 4. Qof si xun ula dhaqasho.
caanyeyn  eeg caanyee.
caaq  C. ah qof aad u garaad yar.
caaqibaxumi  ld caaqibaxumo.
caaqibaxumo  Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. ld caaqibaxumi.
caaqibayn  eeg caaqibee.
caaqibee  Wax caaqibo u yeelid.
caaqibo  1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag.
caaqido  ld caqiido.
caaqil  1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.
caaqilad  Naag caqli badan.
caaqilnimo  Caaqil ahaansho.
caaqilo  Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.
caaqnimo  Caaq ahaansho.
caar  1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
page : 7 of 95
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>