Ereyga Maanta: maddooyamaddooyo
caar1  Xubinta taranka ee ratiga. caarad1  1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa. caarad2  Af fiiqan oo wax mudi kara. caarad-dhuub  1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
caari1  Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. ld caarid. caari2  Biyaha badda, berriga dib uga noqosho. caarid1  ld caar¹. caarid2  (juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan. caarif  Nin aqoon dheerad ah leh.
caarin  ld caaryid.
caariyeysad  ld caariyeysasho.
caariyeysasho  eeg caariyeyso. ld caariyeysad, caariyeysi.
caariyeysi  ld caariyeysasho.
caariyeyso  Wax caariyo ahaan u qaadasho.
caariyo  Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.
caaro  1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
caaroo  ld caarow.
caaroobid  eeg caarow. ld caarood.
caarood1  ld caaroobid. caarood2  (daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa. caarooti1  1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid. caarooti2  Biyo meel ku faafid. caarootiyid  eeg caarooti². ld caarooti¹ (3).
caarow  Caaro dareemid (dad ama xoolo). ld caaroo.
caarran  Wax dardartiisii qaba ahaansho; firfircoonaan iyo himmo ka buuxdo.
caarranaan  eeg carran. ld caarranaansho.
caarranaansho  ld caarranaan.
caarsii  Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
caarsiin  eeg caarsii.
caaryaysad  ld caaryaysasho.
page : 8 of 95
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>