Ereyga Maanta: tartabo
caaryaysasho  eeg caaryeyso. ld caaryaysad, caaryeysi.
caaryaysi  ld caaryaysasho.
caaryayso  Weel, maro iwm mardhacyo uskag ah yeelasho.
caaryid  eeg caari². ld caarin.
caaryo  Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iwm yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
caashacarrabdheer  Qaansarroobaad; jeegaan.
caashaq1  1. ld cishqi. Kalgacal qoto dheer oo aadanaha labkiisa iyo dheddigiisa dhex mara; jacayl. 2. ld caashaqid. caashaq2  1. Qof mid kale oo cayntiisa ka duwan kalgacal qoto dheer u hayn. 2. Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel wejigooda ku aaddin. caashaqan  Ku c.: markab, baabuur, xolo iwm meel lagu caashaqay ahaansho.
caashaqasho  eeg caashaqo.
caashaqid  eeg caashaq². ld caashaq¹ (2).
caashaqnaan  caashaqan. ld cashaqnaansho.
caashaqnaansho  ld caashaqnaan.
caashaqo  Ku c.: markab, baabuur, xoolo iwm meel ku abbaarasho.
caashaqsan  Qof, wax caashaq hayo ahaansho.
caashaqsanaan  eeg caashaqsan. ld caashaqsanaansho.
caashaqsanaansho  ld caashaqsanaan.
caasi1  1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan. caasi2  1.(f.g) Cid eed iyo haaraan u jeedin. 2. Ku c.: qof,wixii Eebbe faray fulin waayid. 3. Ku c.: qof waalidkii addeeci waayid. caasimad  Magaalammadax.
caasin  ld caasiyid.
caasinnimo  Caasi ahaansho.
caasiyid  eeg caasi². ld caasin.
caasiyoobid  eeg caasiyow.
caasiyow  Ku c.: caasi noqosho.
caatayn  ld caataysiin.
caataysan  1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho.
caataysii  1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. ld caatee.
caataysiin  eeg caataysii. ld caatayn, caataysiis.
caataysiis  ld caataysiin.
page : 9 of 95
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>