Ereyga Maanta: liifmid
cunug2  Ilmo yar oo dheddig. cunwaan  1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.
cuq  1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq.
cuqaal  eeg caaqil.
cuqdad1  Meel ciriiri ah. cuqdad2  (c.naf) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. ld cuqdi, cuqdo. cuqdadayn  eeg cuqdadee.
cuqdadee  Cid cuqdad ku beerid.
cuqdadlow  Qof cuqdad qaba.
cuqdi  ld cuqdad².
cuqdo  ld cuqdad².
cuqubayn  eeg cuqubee.
cuqubaysan  Qof cuqubo ku dhacday ahaansho.
cuqubaysnaan  eeg cuqubaysan. ld cuqubaysnaansho.
cuqubaysnaansho  ld cuqubaysnaan.
cuqubee  Cid nabsiyid.
cuqubo  Dhibaato weyn, cid ku dhacda oo kaga timaada nabsi uu galay.
cuquul  eeg caqli.
cuquulayn  eeg cuqulee.
cuquule  Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
cuquulee  Wax in la helo rajo ka qabid.
cur  1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.
curaar  1. Hanti laga sii hayo cid wax amaahatay; rahan. 2. Cid xoog lagu haysto, si haystayaashu wax gaar ah ugu helaan.
curad1  Wiilka ugu horeeya ee qof u dhasha. ld corad. curad2  Gabarta ugu hooreysa ee qof u dhalata. 2. Neef xoolo ah oo da'ama ka badan dhalay. ld corad. curadnimo  Curad ahaansho.
curadweyn  Riyaha intooda curada ah.
curadxige  Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. ld curadxigeen.
curadxigeen  ld curadxige.
curan1  Xirmidda sanka neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood.
page : 90 of 95
<< < 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 >