Ereyga Maanta: liifmid
curan2  Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). curan3  Wax neeftu ku xirantay ahaansho (san). curasho  eeg curo.
curato  Xoolo inta wax dhashay.
curcur1  1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda. curcur2  Buur yar; kood; gunbur. curcuri  Dhudhun wax ku cabbirid.
curcurin  eeg curcuri. ld curcuris.
curcuris  ld curcurin.
curcurrey  Shimbir qoolleyda u eg kana yar.
curdaalo  Roobka jiilaalka dhammaadkiisa da'a; garabcas. ld cordaalo.
curdan  1. Naq ama miro markaa soo baxay oo aan weli gahayroobin. 2. Wax dhowaan dhashay oo aan weli adkaan. ld cardun, curdin, curdun.
curdansad  ld curdansasho.
curdansasho  eeg curdanso. ld curdansad, curdansi.
curdansi  ld curdansasho.
curdanso  Curdan gurasho.
curdin  ld curdan.
curdun  ld curdan.
cureeji  Guntiino xariir ah oo haweenku qaataan.
curfi  Xeer aan qornayn ee la isku maamulo; xisti. ld curuf.
curi  Wax aan hore u jirin samayn, sida maanso, muusika iyo qoraal allifid.
curin  eeg curi. ld curis (3).
curis  1. (-syo, m.dh) Maanso ama sheeko la allifay. 2. (-syo, m.dh) Curiye kiimikaad. 3. ld curin.
curiye1  (riw.) Qofka wax curiya. curiye2  (kiim.) Walaxda aan loo sii kala bixin karin walxo ka sii fudud asal haan. Atammada curiyuhu waxay dhammaantood leeyihiin tiro borotoon oo isku mid ah iyo weliba tiro isku mid ah oo elektaroon, taas oo jaangoysa firfircoonaanta kimikaad. Curiyayaasha, dabiici ahaan, laga helo dhulku waa ilaa 92. curiye3  (nax.) Erey guud oo tilmaama xubin ka mid ah xubnaha uu shay ka koobanyahay, sida erey oo ah xubin ka mid ah weerta ama dibkabe oo ah xubin ka tirsan ereyga. curmid  eeg curan¹.
curnaan  eeg curan. ld curnaansho.
curnaansho  ld curnaan.
curo  1. Dad ama xoolo ilmihii ugu horreeyey dhalid. 2. Cir, di'id billaabid.
page : 91 of 95
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 >