Ereyga Maanta: sargadayn
curyaan2  Qof labada lugood beelid. curyaanad  Qof haween ah oo labada lugood la'.
curyaannimo  Curyaan ahaansho.
curyaansan  1. Qof xanniban oo wax u suurtaggeli waayeen ahaansho. 2. Hawl, wax xannibaadi gashay ahaansho.
curyaansanaan  eeg curyaansan. ld curyaansanaansho.
curyaansanaansho  ld curyaansanaan.
cusayb  1. Wax jiritaankiisu markaa ugu horreyso. 2. Waxaan weli la isticmaalin. 3. ld cusbaan.
cusbaan  eeg cusub. ld cusayb (3), cusbaansho.
cusbaansho  eeg cusbow. ld cusbaan.
cusballab  Nooc cusbada ka mid ah oo dawo ahaan carruurta yaryar dabada looga xoqo.
cusbataal  ld isbitaal.
cusbayn  eeg cusbee.
cusbaysan  1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.
cusbaysnaan  eeg cusbaysan. ld cusbaysnaan.
cusbaysnaansho  ld cusbaysnaan.
cusbee  1. Cunto cusbo ku darid. 2. Harag cusbo marin. 3. Ilmo, dabada cusbo kaga xoqid si loogu daaweeyo.
cusbo1  Wax cad oo leh dhadhan dhanaan oo cuntada lagu dhanaaniya. Dhulka ayaa laga qodaa, biyaha baddana waa ay ku jirtaa; milix. cusbo2  (kiim.) Iskudhis ka kooban xidishe asiidh iyo mid beys, ama iskudhiska samaysma marka biri la falgasho asiidh ee haydarojiinta si buuxda ama dhiman loo barabixiyo. cusbo-beysaysan  (kiim.) Iskudhis u dhexeeya caadiga ah iyo haydarogsaydhka ama ogsaydhka.
cusboon  Wax cusub ah ahaansho.
cusboonaan  eeg cusboon. ld cusboo- naansho.
cusboonaansho  ld cusboonaan.
cusboonayn  eeg cusboonee. ld cusboonaysiin.
cusboonaysii  ld cusboonee.
cusboonaysiin  ld cusboonayn.
cusboonee  Wax, wax cusub ka dhigid. ld cusboonaysii.
cusbow  Wax cusbadu ku badatay noqosho.
cusbur  Budo midab hurdi ah leh oo qurxin awgeed haweenku u marsadaan.
cusburasho  eeg cusburo.
cusburo  Cusbur marsasho.
page : 93 of 95
<< < 88 89 90 91 92 93 94 95 >