Ereyga Maanta: maneysi
cuudin  eeg cuudi.
cuul  Wax hullaab ku qarin (qof).
cuulan  Qof wax la cuulay ahaansho.
cuulid  eeg cuul.
cuulnaan  eeg cuulan. ld cuulnaansho.
cuulnaansho  ld culnaan.
cuun  1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda.
cuur1  1. Ciyaarta laylada godadkeeda mid ka mid ah oo bocool, dhagxaan iwm ka buuxaan. 2. C. ah: wax badan meel ku wada urursan. cuur2  Weel aad u buuxin. cuurad  ld cuurasho.
cuuran1  Wax aad u buuxa noqosho (weel). cuuran2  Wax la cuuray ahaansho (weel). cuurasho  eeg cuuro. ld cuurad.
cuurcuur  Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan.
cuurid  eeg cuur².
cuurmid  eeg cuuran¹.
cuurnaan  eeg cuuran². ld cuurnaansho.
cuurnaansho  ld cuurnaan.
cuuro  Weel aad u buuxsasho.
cuurxirad  God gaar ahaaneed oo ka mid ah godadka lagu dheelo ciyaarta leylada oo qof u xiran.
cuwaaf  Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno.
cuwaafad  cuwaafasho.
cuwaafasho  eeg cuwaafo. ld cuwaafad.
cuwaafo  Cuwaaf cunid.
page : 95 of 95
<< < 90 91 92 93 94 95