Ereyga Maanta: maneysi
caacin  eeg caaci.
caad1  1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata. caad2  Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya. caad3  1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican. caadaqaatannimo  Caadaqaate ahaan-sho.
caadaqaate  1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.
caadaysad  ld caadaysasho.
caadaysasho  eeg caadayso. ld caadaysad, caadaysi.
caadaysi  ld caadaysasho.
caadayso  Wax caado ka dhigasho.
caadbax1  ld caadbixid. caadbax2  1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho. caadbixid  eeg caadbax². ld caadbax¹.
caaddifad  ld caaddifo.
caaddifi  1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.
caaddifo  Dareen u nuglaansho waxa qof ku dhaca ama uu sameeyo. ld caaddifad.
caaddil  Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan.
caaddilnimo  Caaddil ahaansho.
caadgoror  Roob yar oo ka yimaada daruuraha caadka ah; shuux.
caadi  C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.
caadinnimo1  Caadi ahaansho (wax). caadinnimo2  Tirada garaam-isudhigan ee ku jirta hal disimitir oo saddex jibbaaran (Idm3=IL) oo milan ah. caadiyaal  ld caadyaal.
caadla'aan  1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
caado  1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
caado wareer  Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
caado-immaansho  Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
caado-raacnimo  Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.
caadoxanuun  Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
caadyaal  C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal.
page : 2 of 95
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>