Ereyga Maanta: maneysi
caajisad  Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad.
caajisan  Qof caajis ah noqosho. ld cajisan.
caajisi  Qof cajis ka dhigid. ld cajisi.
caajisid  eeg caajis². ld cajisid.
caajisin  eeg caajisi. ld cajisin.
caajisnaan  eeg caajisan. ld caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho.
caajisnaansho  ld caajisnaan.
caajisnimo  Caajis ahaansho. ld cajisnimo.
caal1  Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay. caal2  Harag dheer, balaqsan oo lo'da luqunteeda dhinaca hoose ka laallaada. caal3  Lo' ama ido cudur caloosha ka barariya ku dhicid. caalam  ld caalan.
caalami  1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
caalaminnimo  Caalami ahaansho.
caalan  Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. ld caalam.
caalgab  Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid.
caalgabid  eeg caalgab.
caalhel  1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.
caalhelid  eeg caalhel.
caali  1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
caalid  eeg caal³.
caalim  ld caalin¹.
caalin1  (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh. caalin2  eeg caali. caallannimo  Caalle ahaansho; nacasnimo.
caalle  Qof aad u garaad yar; segeger.
caallir1  Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. ld caallirid. caallir2  Meel dhaawac ah hurgumid. caallirid  eeg caallir². ld caallir¹.
caallirsan  Meel dhaawac ah wax caallir ah ahaansho.
page : 4 of 95
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>