Ereyga Maanta: maneysi
daaf2  (daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax. daaf3  Daaf ku dhicid. daafac1  ld daaficid. daafac2  Wax iska celin ama cid kale ka celin. ld difaac². daafacaad  Ka hortagidda laga hortago halis cid ku soo fool leh.
daafad  (fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.
daafad-xagleed  (fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”
daafi  Nooc ka mid ah badarka oo aad u yaryar, canjeeladana laga sameeyo.
daaficid  eeg daafac². ld daafac¹, difaac¹, difaacid.
daafid  eeg daaf³.
daafkaddeeg1  1. D. ah: qof xoolo lahaa oo cayroobay. 2. ld daafkaddeegid. daafkaddeeg2  Cayroobid qof xoolo lahaa. daafkaddeegid  eeg daafkaddeeg². ld daafkaddeeg¹ (2).
daah  1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid.
daah1  Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo. daah2  (riw.) D. masraxiyeed: ilxir loo adeegsado goobta masraxiyadda. daah3  1. Raagid; dib u dhicid. 2. Ka soo d.: madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato. daah4  Ilixir u yeelid. daahan  Wax ilixir loo yeelay ahaansho; daah lahaansho.
daahasho  eeg daaho.
daahi  Cid ama wax kale meel ay waqti xaddidan tegi lahayd dib uga dhacsiin.
daahid  eeg daah³. ld daah¹ (2).
daahid1  eeg daah². daahiil1  ld diihaal¹. daahiil2  ld diihaal². daahiilid  ld diihaalid.
daahin  eeg daahi.
daahir1  1. (dii.) Aan najaso lahayn; nadiif. 2. Sida muuqata ama muqaalka guud. daahir2  (dii.) Soo ifbixid; soo bixid. Tus. “Nebi Maxamed (s.c.s) wuxuu soo daahiray muddo laga joogo 14 qarni iyo hodhodho”. daahiri  1. (dii.) Wax nijaaso ka bi'in. 2. Wax, wax muuqda oo bayaan ah ka dhigid.
page : 5 of 218
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>