Ereyga Maanta: maneysi
daahirid  eeg daahir².
daahirin  eeg daahiri.
daahirnimo  (dii.) Daahir ahaansho; nadiifnimo.
daahiro  Nicmo iyo khayr aad u badan.
daahiyad  1. Dhibaato waxyeello weyn leh; masiibo; belo. 2. Qof aad u caqli badan oo iloodi ah.
daahnaan  eeg daahan. ld daahnaansho.
daahnaansho  ld daahnaan.
daaho  Ilixir u yeelasho.
daahsad  ld daahsasho.
daahsan  Wax daahay ahaansho.
daahsanaan  eeg daahsan. ld daahsanaansho.
daahsanaansho  ld daahsanaan.
daahsasho  eeg daahso. ld daahsad, daahsi.
daahsi  ld daahsasho.
daahso  Qof ama wax la sugayay raagsasho.
daaji  1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii.
daajin  eeg daaji. ld daajis, daaqsiin, daaqsiis.
daajis  ld daajin.
daakir  Arooryo hore addimid.
daakiraad  1. Addinka iyo ducooyinka la akhriyo arooryada hore. 2. Waqtiga addinka arooryada hore.
daakirid  eeg daakir.
daal  1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.
daal1  Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog. daal2  (daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah. daal3  Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid. daalac1  Wax dheeraad ah oo cid loo raacdo. daalac2  Dayax ama qorrax soo muuqasho. daalacan  Waqti wixii la sheegaa ay shaac baxaan oo aanay qarsoomin.
daalacasho  eeg daalaco.
daalaco  Si xasilloon wax u akhrisasho.
page : 6 of 218
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>