Ereyga Maanta: fitaaxsanaansho
daalalli  1. Waaxda saddexaad ee degmooyinka xiddigaha, xilliga dayrta. 2. Roobka xilliga dayrta da'a. 3. Raar meydka looga sameeyo geedaha korkooda.
daalan  ld daallan.
daaldhe  Doqon.
daali  1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
daalib1  1. Qof wax doonaya. 2. Qof wax baranaya. daalib2  Wax doonid ama raadin. daalibid  eeg daalib².
daalici  Wax muujin; wax kor u soo bixin.
daalicid  eeg daalac². ld daalac¹ (2).
daalicin  eeg daalici.
daalid  eeg daal². ld daalis.
daalin  eeg daali.
daalis  ld daalid.
daallan  Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. ld daalan.
daallan1  Wax noog hayo ahaansho. ld daalan. daalli  Oori; haweeney.
daallin  Qof dulmi badan.
daallinnimo  Daallin ahaansho.
daaltir  Wax daal hayo nasin (nafley).
daaltirad  ld daaltirasho.
daaltirasho  eeg daaltiro. ld daaltirad.
daaltirid  eeg daaltir.
daaltiro  Cid daal hayay si uu uga ba'o; nasasho.
daamad  Cayaar shaxda u eg oo lagu dulcayaaro loox afar gees ah oo leh cadad midabaysan.
daamir  Walax layiig dhegdheg ah, madow, oo jidadka lagu sameeyo; laami. ld daammur.
daammur  ld daamir.
daan1  Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin. daan2  (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada. daan3  Webi, tog iwm labada dhinac midkood. daandaami  Feer, laad iwm cid ku wareerin.
page : 7 of 218
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>