Ereyga Maanta: sibirayn
daanka hoose  (daaman ..., m.l) (c.nafl.) Daanka hoose ee lafdhabarleyda.
daanshoo  Xasillooni xarrago ku jirto u socosho.
daanshood  eeg daanshoo.
daanyeer  ld daayeer.
daanyeerad  ld daayeerad.
daaq1  1. Caws, caleen iwm oo ay xooluhu cunaan; baad. 2. ld daaqid. daaq2  Caws, caleen iwm cunid (xoolo). daaqad  1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go'loo qaybin karo.
daaqbarad  D. ah: dhal xoolaad oo markaa billaabay cunidda caws, caleen iwm.
daaqbarasho  eeg daaqbaro.
daaqbaro  Cunidda caws, caleen iwm billaabmid (dhal xoolaad).
daaqcune  (c.nafl.) Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo'da, dameeraha iwm. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. ld daaqe.
daaqe  ld daaqcune.
daaqgee  Xoolo daajin.
daaqgeyn  eeg daaqgee.
daaqi  Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.
daaqid  eeg daaq². ld daaq¹ (2).
daaqo  ld daaqad (2).
daaqsad  ld daaqsasho.
daaqsasho  eeg daaqso. ld daaqsad.
daaqsii  ld daaji.
daaqsiin  ld daajin.
daaqsiis  ld daajin.
daaqsin  1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
daaqso  Meel daaq u leh xoolo u daaq gaysasho.
daaqtag1  1. Foogaanta u dhexeysa xerada xoolaha iyo meesaha ay daaqa u aadaan. 2. D. ah: xoolo meel daaq leh u socda. daaqtag2  Xoolo meel ay daaq ka helayaan aadid. daaqtegid  eeg daaqtag².
daar  Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.
daar1  1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.
page : 9 of 218
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>