Ereyga Maanta: miryaadis
daash  Dhismo kor ka dadan, hareeraha ka furan oo carshaanta, baraakoyinka, mundullada iwm hortooda lagu dhiso.
daata  (xis.) Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm.
daawad  ld daawasho.
daawade  (riw.) Qof masrax, filim, ciyaar iwm daawanaya.
daawadhigad  ld daawadhigasho.
daawadhigasho  1. Daawayeelad. 2. eeg daawadhigo. ld daawadhigad.
daawadhigo  Daawa- yeelasho.
daawaley  D. ah: dad heshiis wax wadaqabsi iyo is-taakulayn ka dhexeeyso.
daawasho  eeg daawo². ld daawad.
daawe  ld taawo¹.
daawee  1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.
daaweyn  eeg daawee. ld daaweysiin, daweyn, daweysiin.
daaweynta-fiisikaad  (daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.
daaweysad  ld daaweysasho.
daaweysasho  eeg daaweyso. ld daaweysad, daaweysi, daweysad, dawey- sasho, daweysi.
daaweysi  ld daaweysasho.
daaweysii  ld daawee.
daaweysiin  ld daaweyn.
daaweyso  1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. ld daweyso.
daawo1  ld taawo¹. daawo2  1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo. daawo3  Wax in muddo ah indhaha ku hayn. daawo4  (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda. daawoobid  eeg daawow. ld dawoobid.
daawow  1. Wax cudur ka bogsaday noqosho. 2. Wax illaaway noqosho. ld dawow.
daaxuur  Daayeer lab oo aad u weyn.
daay  Biyo uus laga miiray.
daayac1  D. ah: qof garasho yar oo aan wax lagu aamini karin. daayac2  ld dayac². daayacaad  ld dayac¹.
page : 11 of 218
<< < 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 > >>