Ereyga Maanta: tartabo
duud-garaac2  ld dhabar-garaac². duud-garaacasho  ld dhabar-garaacasho.
duud-garaacid  ld dhabar-garaacid.
duud-garaaco  ld dhabar-garaaco.
duud-oogeed  (jool.) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
duuddo  ld duud².
duudduub1  ld duudduubid. duudduub2  1. Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. ld duubduub². duudduuban1  Wax duudduub yeeshay noqosho. ld duubduuban¹. duudduuban2  Wax duudduub yeeshay ahaansho. ld duubduuban². duudduubid  eeg duudduub². ld duubduub¹, duubduubid, duudduub¹.
duudduubmid  eeg duudduuban¹. ld duubduubmid.
duudduubnaan  eeg duudduuban². ld duubduubnaan, duubduubnaansho, duudduubnaansho.
duudduubnaansho  ld duudduubnaan.
duudduur1  1. Qarinta wax la qariyo. 2. Si kooban oo hadal loo sheego. 3. Laalaabanka maro iwm yeeshaan. duudduur2  1. Maro iwm laalaab u yeelid. 2. Wax runtooda qarin. 3. Hadal si kooban u sheegid. duudgal  ld duudgelid.
duudgaloobid  eeg duudgalow². ld duudgalow¹, duurgalow¹, duurgaloobid.
duudgalow1  ld duurgaloobid. duudgalow2  Badow noqosho (qof). ld duurgalow². duudgelid  Duudgaloobidda. ld duudgal.
duudi  1. Weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid. 2. Lafo heen ka bixin.
duudin  eeg duudi. ld duudis.
duudis  ld duudin.
duudlo'aad  Geedka gallayda ama meseggadu inta uusan alamada yeelan.
duudsad  ld duudsasho.
duudsasho  eeg duudso. ld duudsad, duudsi.
duudseef  Rati aan kurus lahayn.
duudsi1  Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo. duudsi2  ld duudsasho.
page : 214 of 218
<< < 209 210 211 212 213 214 215 216 217 218 >