Ereyga Maanta: bedertami
duuli  Diyaarad iwm hawada dhexdeeda ku wadid.
duuli1  Col dagaal u hoggaamin. duulid  eeg duul². ld duulis.
duulin  eeg duuli.
duulis  ld duulid.
duuliye  Qof diyaaradaha wada.
duuliye1  Taliye. duullaan  1. ld duullan, duullimaad. Aadidda col dagaal aado. 2. D. ah: col in ay dagaal qaadaan u socda.
duullan  ld duullaan (1).
duullimaad  Ku socoshada diyaarad, shimbir iwm hawada ku dhex socdaan.
duullimaad1  Ku socoshada diyaarad, shimbir iwm hawada ku dhex socdaan. duullimaad2  ld duullaan (1). duumadhawr1  D. ah: qof sugaya dhimashada qof uu dhaxalkiisa leeyahay. duumadhawr2  1. Gabar yar, oo aan weli qaan gaarin oo xigsiisan loo siiyay nin walaasheed ka dhimatay. 2. Koox caafimaad ah oo la dagaallanta cudurka kaneecada. duumo  (daaw.) Cudur qandho qabow iyo kulayl isugu jirta leh oo dadku ka qaadaan kaneecada nooceeda dheddig.
duun  D.kayga, d.kaaga iwm: laftayda, laftaada iwm.
duunkiyeel  Qof madax adag oo aan talada dadka raacin ee sidii uu doono yeela.
duunyo  1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
duur  1. Meel geedo badan oo jiq ah leh, oo aan cidi degganayn. 2. D.gal: duudgaloobidda (qof). 3. (-rar, m.l) Nooc cawska ka mid ah oo aad u dhaadheer, oo hawdka ka baxa xooluhuna cunaan.
duurgal  1. Neef aan xoolaha raacin. 2. ld duurgelid. Qof ehelkiisa ka carara. 3. Hanti ajuuro ahaan loo siiyo dadka dhirta wax ku daweeya. 4. ld duurgelid.
duurgaloobid  ld duudgaloobid.
duurgalow1  ld duudgaloobid. duurgalow2  ld duudgalow². duurgelid  Diididda ruux diido in uu ehelkiisa la noolaado. ld duurgal (2).
duurjoog  1. ld cidla'joog. Nafleyda inta duurka ku nool ee dadka nacfiga u leh. 2. Dhammaan xaywaanka aan ladhaqan (saynis).
duurxul1  1. Hadal sarbeeb ah oo cid loo jeediyo. 2. ld duurxul. duurxul2  U d.: hadal sarbeeb ah cid u jeedin. duurxulid  eeg duurxul². ld duurxul¹ (2).
duw  1. (f.g) Wax leexin. 2. (f.g) Cid wax tusid. 3. (f.mg) Ku d.: wax meeshii lala rabay ku toosin; aadsiin; ku leexin. 4. (f.mg) Iskud./isud.: wax isku dubbarrid.
duwali  1. Wax dawladaha adduunka oo dhan u dhexeeya. 2. ld dowli 1 (2).
page : 217 of 218
<< < 212 213 214 215 216 217 218 >