Ereyga Maanta: maneysi
eexayso  Eex iyo dan moodid.
eexee  Eex iyo dan moodid.
eexi  Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
eexin  eeg eexi. ld eexis.
eexis  ld eexin.
eexlow  Qof eex badan.
eexo1  ld eex. eexo2  Eex ku kicid (cid). eey1  (c.nafl.) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iwm. ld ey¹. eey2  Eey dheddig ah. ld eeyad, ey². eey3  Erey dareen: ehi!, oh! ld eeyaa. eeyaa  ld eey³.
eeyad  ld eey².
eg  (ekaa, ekayd) 1. Arrin in la yeelo ku wanaagsan ahaansho. Tus. “Waxaa eg in salaadda waqtigeeda la tukado”. 2. Ku e.: wax aan meel dhaafin ahansho. 3. U e.: wax, wax kaale ay qaabka isaga mid yihiin ahaansho. 4. La e. ama le'eg: wax, wax kale la jin ah ahaansho.
eger  ld igar.
egsosfeer  (c.fal.) Gibilka ugu fog atmoosfeerka dhulka.
ehel  Qaraabo, sokeeye, xigto. ld ahal, ahalo, ehelo.
ehelakhayr  ld ehelukhayr.
ehelnimo  Ehel ahaansho.
ehelo  ld ehel.
ehelukhayr  Qof caadeystay samaynta xumaha oo aan ku dhaqmin caqiidada islaamkaa. ld ehelakhayr, ehlu- khayr.
ehelunnaar  ld ahlunaar.
ehlakhayr  ld ehelukhayr.
ehlukhayr  ld ehelukhayr.
ekaad  ld ekaansho (1).
ekaan  eeg eg. ld ekaansho (2).
ekaansho  eeg ekow. ld Ekaad; ekaan.
ekayn  eeg ekee.
ekaysii  Wax isle'eg ama wax kale u eg, ka dhigid.
ekaysiin  eeg ekaysii.
page : 5 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 >