Ereyga Maanta: dabakannaaxid
engegso  Wax qoyan qalalsasho (cid).
engeji  Wax qoyaan ka qalajin.
engejin  eeg engeji. ld engejis.
engejis  ld engejin.
entameeba  (baay.) Nooc ameebaha ka mid ah oo qaarkood deriskunool yahay siiba qaybta dheefshiidka ee dadka. “E. Histolytica” wuxu dhexgalaa oo baabi'iyaa xiidmaha isagoo keena xundhur iyo daloolinta xiidmaha, wuxuuna ku fidi karaa beerka oo ay ku sameeysmi karto malax.
eraley  ld eriley (1).
eralow  ld erilow.
ered  Awood qofka Eebbe siiyo oo habaarkiisa iyo ducadiisuba kacdo.
ereg1  Wax cid si ku-meelgaar ah loogu dhiibto. ereg2  Ereg u bixin, u dhiibid. erey  1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.
erey-dareen  (nax.) Cod muujinaya hadlaha shucuurtiisa sida yaab, naxdin farxad iwm. Tus. “Ba'a!”, “Alla hayow!”.
ereybixi  Ereyo cusub samayn.
ereybixin1  eeg ereybixi. ereybixin2  1. (nax.) Siinta magac u gaar ah laa siiyo farsamo; fikrad, cilmiyeed iwm. 2. Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo. ereyfur  (nax.) Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo, iyadoo erey walba la qeexayo waxa uu yahay.
ergan  Wax la ergay ahaansho (xoolo, alaab iwm).
erganaan  eeg ergan. ld erganaansho.
erganaansho  ld erganaan.
ergasho  eeg ergo.
ergee  Farriin, war iwm tol, qolo dawlad iwm u qaadid.
ergey  1. Qof farriin, war ama arrin gaar ah loo dhiibo oo tol, qolo ama dawlad gaarsiiya. 2. Qof loo doortay inuu dal kale wakiil uga noqdo wadankiisa. Tus. “Saalax waa ergeyga soomaaliya u jooga jimciyadda quruumaha ka dhexeysa”.
ergeyn  eeg ergee.
ergeysan  1. Wax la oggoladay ahaansho (farriin, arrin iwm). 2. Wax ergo loo dhiibto ahaansho (farriin, arrin iwm).
ergeysasho  eeg ergeyso.
ergeysii  Wax ergo ahaan cid u siin.
ergeysiin  eeg ergeysii.
ergeyso  Ergey dirasho.
ergi  Xoolo, alaab iwm. in muddo ah cid siin.
ergid  eeg ereg².
page : 7 of 9
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 >