Ereyga Maanta: sibirayn
furaadsasho  eeg furaadso. ld furaadsad, furaadsi.
furaadsi  ld furaadsasho.
furaadso   Carruur furaad ku xambaarasho.
furaash  ld firaash¹.
furaley   Sarrifka rubaabka mid ka mid ah oo u dhigma 10 senti.
furan1   Wax la furay noqosho. furan2   1. Albaab, dariishad iwm wax la ballaqay ahaansho. 2. Wax guntintiisa la kala furay ahaansho (xarig). 3. Wax meel ku xirnaa wax la sii daayey ahaansho. 4. Halxiraale wax, la fasiray ahaansho. 5. Haweeney wax la dalaaqay ahaansho. 6. Awr wax rarkii laga dhigay ahaansho. 7. Mashruuc, dhisme, barnaamij iwm hawshooda wax la billaabay ahaansho. furasho  eeg furo.
furayn  eeg furee.
furaysasho  eeg furayso.
furayso   Wax fur ku xirasho.
furdaami   1. Cid sixir ka daaweyn. 2. Arrin iwm xal u raadin.
furdaamin  eeg furdaami. ld furdaamis.
furdaamis  ld furdaamin.
furdad  ld furdo.
furdo   1. Meel xeeb ku taal oo loogu talagalay in ay doonyaha, maraakiibta iwm ku xirtaan. 2. Meel loogu talagalay in alaabada ganacsiga oo dal imaanaysa ama ka baxaysa lagu canshuuro. ld furdad.
fure   1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iwm. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.
furee   Wax fure ku xirid.
furfur1  F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin. furfur2   1. Wax xubnihii uu ka koobnaa kala bixbixin. 2. Arrin xalkeeda fududayn. furfurad  ld furfurasho.
furfuran1   1. Wax bashaashnimo ka muqaato ahaansho (qof). 2. Wax xubnihii uu isugu jirey la kala bixiyey ahaansho. 3. Tolmo wax duntii isu haysey furatay ahaansho. furfurasho  eeg furfuro. ld furfurad.
furfurdayn  eeg furfurdee.
furfurdee   Qori, ul, dhagax iwm xoog u tuurid.
furfurdo  Tuuryo xoog leh.
furfurid  eeg furfur². furfurista-garaafeed ee isle'eg m.dh (xis.) Hab lagu furfuro isle'egyo wadajira iyada oo la sawirayo garaafka isle'eg kasta. Furfurista labada isle'eg waxa ku siiya kulannada baraha is goyska, madaama barahani ay raali geliyaan qiimeyaal isku mid ah ee x iyo y.
furfurnaan  eeg furfuran². ld furfurnaansho.
furfurnaansho  ld furfurnaan.
furfuro   1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid.
page : 69 of 73
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >