Ereyga Maanta: biqil
furid  eeg fur³. ld furitaan, furniin, furriin.
furin1  ld furun¹. furin2  ld furun². furitaan  ld furid.
furmaati  F.ah: salab, hu' iwm oo laga furtay qof la diley ama la qabtay.
furmaato  Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
furmasho  eeg furmo.
furmid  eeg furan¹.
furmo1  Meel geeddi ku nasto. furmo2   Wax furan noqosho. furnaan  eeg furan². ld furnaansho.
furnaansho  ld furnaan.
furniin  ld furid.
furo   1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.
furqaan  1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.
furriin  ld furid.
fursad   1. Xaalaad ku habboon in wax la qabsado. 2. Waqti wax la qabto.
fursanaansho  ld fursanaan.
fursasho  eeg furso.
furso   Ka f.: Wax ka kaaftoomid.
furtuur-folkaaneed  (jool.) Soo dirqinta waxyaabo adke, dareere, ama neef ah, iyadoo folkaane uu ka soo saarayo dhulka gudihiisa una soo saarayo ilaa dhulka dushiisa.
furun1  1. Rooti. 2. Tinnaarka rootiga lagu dubo. ld furin¹. furun2  1. Maro ay raggu kor ka qaataan. 2. Goobta dagaalku ka aloosanyahay. ld furin². furuq  (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo muddo gaaban, waxaa keena fiirus. Astaamo: qandho iyo finan nabar ku reeba maqaarka.
furuqbiyoole  (daaw.) Nooc furuqa ka mid ah oo halkii ay nabarrada malaxi ka geli lahayd biyo ka galaan.
furuqdhaw  ld furuqdhoon.
furuqdhoon  Godad yaryar oo furuqu jirka dadka ku reebo. ld furuqdhaw.
furuukh  eeg farakh.
furuuruc  ld firiiric.
furux1  Kalagoosyada oogada oo lafuhu iska galaan midkood.
page : 70 of 73
<< < 65 66 67 68 69 70 71 72 73 >